|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Madaxweynaha Soomaaliya C/aahi Yuusuf Axmed ayaa rajo ka muujiyey fadhiga lagu wado in maalinta beri uu ka yeesho golaha amaanka arrimaha soomaaliya.
madaxweyne Yuusuf oo u wareysi siiynayey wargeyska Alsharqul Awsat ee ka soo baxa magaalada London ayuu sheegay in uu ku rajo weynyahay in natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto fadhiga maalinta beri ah uu ka yeelanayo golaha amaanka arrimaha soomaaliya.
Baan kiin Muun iyo Axmedu Wuldi C/della ayaa la filayaa in ay uga warbixiyaan golaha amaanka warbixin ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee uu dalka marayo, xaaladda ammaanka, dhaqaalaha, iyo xuquuqda aadanaha.
Warbixintu waxa ay kadhigatay arrinta puntland qodobka afraad taasi oo sabab looga dhigay qaramada midowbe oo ku cabirta goobaha ay kadeeriso xagga ammaanka laga dhigo tirsiga afaraad, qodobkaas waxaa ka dhalaneysa in shaqaalaha degdegta ah mooyee aysan kuwa kale tagi karin deegaannada Puntland.
Waxaa kaloo warbixinta ku xusan in xafiiska siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu wali ka baaraan-dagayo sidii uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho.
Xafiiskaas oo hadda fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka hortaagan guurista ay yihiin kuwa xagga ammaanka ah.
Wuxuuse xafiisku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo fulin lahaa qodobbada xagga ammaanka ah ee ku xusnaa heshiiska Djibouti.
Ugu dambeyn warbixintu waxa ay amaan u soo jeedisay ergeyga qaramda midwobe arrimaha soomaaliya kaas oo la sheegay inuu Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda-ba uu ku dhaliyey saansaan nabadeed.
|